Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Yuusuf oo Shaqadiisii u Ogolaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:47
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:88
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:261
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:398
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:141
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 02 2008
Yuusuf oo Shaqadiisii u Ogolaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Written by Ali Moallim   
Saturday, 02 August 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org) - Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu howlihiisa wadan karo, isla markaana aan la casili karin.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa gabi ahaan gaashaanka ku dhuftay xil ka qaadistii lagu sameeyay Maxamed Dheere, isagoo ku tilmaamay mid aan sharciga loo soo marin, wuxuuna sheegay in marka hore ay tahay in la diyaariyo maamul badala inta aan xilka laga qaadin.

 

"Qoraalkii lagu casilayay Duqa Muqdisho weli ma uusan saxiixin Madaxweynuhu, taasoo muujinaysa inuu ka biyo diidan yahay xil ka qaadista duqa Muqdisho" ayuu saxaafada u sheegay mid ka mid ah guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir oo muujiyay inuu la safan yahay guddoomiyihiisa.

 

Arrintaan ayaa sababtay khilaaf aad u xooggan oo soo dhexgalay Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyadoo khilaafkoodan uu qarka u saaran yahay in baarlamaanku tuuro Nuur Cadde.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa horay u sheegay inuu u cuskaday xil ka qaadista Nuur Cadde isagoo wax ka qaban waayay nabada caasimada iyo isagoo eedeymo fara badan loo soo jeediyay.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee khilaafka dhexdhigay mas'uuliyiinta DFKMG ah ayaa isaguna aamisan in xil ka qaadistiisa aysan ahayn mid loo maray dhanka sharciga, balse laga soo min-guuriyay deegaano kale.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >